QM oo ka hadashay Falalka kufsiga ee ka dhaca Somalia iyo dalalka kale ee ay colaadaha hubeysan ka jiraan

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Falalka Kufsiga ee ka dhaca dalalka ay colaadaha ka socdaan, Zaynab Hawa Bangura  ayaa sheegtay inay Kooxaha hubeysan ee aan Dowladaha ka amar qaadanin ku kacaan falalka Kufsiga, isla markaana ay falkaasi u adeegsadaan Falsafad ay ku fuliyaan hawlgalladooda.

Zaynab Hawa Bangura oo u dhalatay dalka Sierra Leone  ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi Khaas ah oo ay siiyey Shabakadda Wararka ee sierraexpressmedia.com, waxayna tilmaamtay in ay dabagal ku hayaan Kooxaha hubeysan ee geysta falalkaasi.

Sarkaalladaasi oo haatan ku sugan dalka Sacuudiga ayaa tilmaamtay tan iyo markii ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM soo saareen Qaraarka tirsigiisu yahay 1325 inay horumariyeen Jadwalka Shaqo ee lagula dagaalamayo dembiyadda Kufsiga.

“Kooxaha aan ka tirsanayn Dolwadaha oo ay ka mid yihiin Alqaeda, Daacish, Boko Haram iyo Alshabaab waxay ku kacaan tacadiyo, si ay ugu sii siqaan muhiimadda Istaraatijiyadooda” ayey tiri Zaynab Hawa Bangura oo u dhalatay dalka Sierra Leone.

Mar wax laga weydiiyey Hawlaha QM ee loo idmaday waxay sheegtay inay QM u xil saartay sidii wax looga qaban lahaa falalka lagu fara xumeeyo haweenka ku nool Caalamka ee ay geystaan kooxaha aan Dowladaha hoos imaanin ee ku sugan dalalka Somalia, Syria, Iraq, Kongadda Dimuqraadiga, Afganistan, Sri Lanka iyo Libya.

Waxay farta ku fiiqday inay socdaallo hawleed ku soo martay dalalka ay colaadaha hubeysan ka socdaan, isla markaana ay baaritaanno ku ogaadeen in 60% Dhibanayaasha Haweenka la kufsado yihiin gabdho ka yar da’da 18-jirka ah.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Falalka Kufsiga ee ka dhaca dalalka ay colaadaha ka socdaan, Zaynab Hawa Bangura waxay kaloo sheegtay inay tacadiyada ugu badan ee kufsiga ka dhacaan dalalka Somalia, Libya, Mali, Nigeria, Yemen, Syria iyo Iraq.

Ugu dambeyntii waxay sheegtay inay diiwaan gelinayaan Kiisaska Tacadiyadda lagula kaco Haweenka, isla markaana ay u gudbin doonaan Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (ICC), si loogu maxkmaadeeyo kooxaha  kufsiga geysta.

Xigasho:- sierraexpressmedia.com

© Warqabadka Dalsan Radio