Q/Midoobay oo shaacisay in Amniga Dal ku yaal Waqooyiga Afrika uu faraha kasii baxayo

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayey ku sheegtay khatarta dhinaca amniga uu wajahayo dalka Libiya iyo waxa sababay.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay dagaallamayaasha ajaanibta, ciidamada shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Kooxaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner uu Ruushka leeyahay oo isbiirsaday iney dalkaasi ka wadaan arrimo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga.

Wakaaladda wararka AP oo soo xigatay warbixinta Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in warbixinta lagu xusay toddoba kooxood oo hubeysan oo ka soo jeeda dalka Libiya oo sameystay xabsiyo iyaga u gaar ah oo ay ku geystaan xadgudubyo ka dhan bani-aadanimada.

Dalkan saliidda qaniga ku ah oo ku yaalla Waqooyiga Afrika ayaa colaad aan dhammaad laheen lugaha la galay tani iyo 2011-kii kaddib marki ay xulafa ay NATO horkaceyso dilen madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qaddaafi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor