Midowga Africa oo soo dhaweeyay Mudo Kordhintii QM ay ku sameyeen Howlgalka Amisom

Iyadoo maalin ka hor ururka Midawga Afrika uu shaaca ka qaaday in kulan ka dhacay xarunta dhexe ee Ururka Midawga AFrika ee Adis ababa waqtiga loogu kordhiyey ciidamada AMISOM, ayaa qoraal kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha Ururka Midawga AFrika waxaa lagu sheegay in xubnaha golaha ammaanka ay ku taageereen mudada loo kordhiyey AMISOM.

Qoraalka Kasoo Baxay Xafiiska Gudoomiyaha Ururka Midnimada Afrika Waxaa Lagu Sheegay In Xubnaha Golaha Ammaanka QM Ee 15-Ka Xubnood Ay Muujiyeen Sida Ay Uga Go’Aan Tahay Taageerida Ciidamada AMISOM Ee Taageeraya Dawlada Soomaaliya Si Loo Soo Celiyo Nidaamka iyo Kala Dambeynta Dalka, Waxayna Golaha Ay Muddo hal sanno ah ugu dareen howlgalka AMISOM oo la gaarsiiyey 31-ka Bisha july Sanadka 2017-Ka.

” Waxaan Qoraalkan Ku Taageerayaan In golaha Ammaanka Ay Inagu Taageereen Mudada Loo Kordhiyey AMISOM Oo La Gaarsiiyey Bisha May Sanadka 2020-ka Sidaasi Waxaa Lagu Yiri Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Gudoomiyaha Ururka Midnimada Afrika.

Howlgalka AMISOM Ayaa Hadda Waxaa Ka Qeyb Galaya Dalalka Uganda, Brundi, Itoobiya, Kenya, Iyo Jabuuti Kuwaasi OO Ciidamo Ay Ka Joogaan Soomaaliya, Waxaana Dawlada Soomaaliya Ay Ka Taageeraan La Dagaalanka AL-shabaab Iyo Dib u soo celinta Nabada.

Howlgalka AMISM Ayaa Waxa uu Soomaaliya Ka Bilowday Sanadkii 2007-dii, Waxaana Muddo Kordhinta Loo Sameeyey  Uu Imaanayaa Xilli Ciidamada AMISOM Aysan Muddo Billo Ah Mushaar Qaadan, Iyo Sidoo Kale Waqtiga Ururka Midawga Yurub Uu Jaray Mushaaraadkii AMISOM 20%.