Mid ka mid ah Shaqaalaha Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu dilay

Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Caawa xilliga afurkii waxa ay qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee gobolka banaadir ku rasaaseeyeen gaari uu la socday mid ka mid ah Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka degmada Waabire masuuliyiin ka tirsan ayaa waxa ay xaqiijiyeen dhimashada mid ka mid ah Shaqaalaha qeybta qasnajiga ee Golaha Shacabka halka uu dhaawacmay Shaqsi kale oo gaariga la saarnaa,laakin aysan wax dhibaato ah gaarin haweeney iyo darawalkii gaariga.

Nin ka mid ahaa Shaqaalaha Baarlamaanka ee rasaastaas ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Dalxa Maxamed,iyada oo meydkiisa ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gaarey goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamada dowladda ayaa haatan waxa ay howlgal ka wadaan goobtii uu dilka ka dhacay ee degmada Waaberi walow dadkii dilkaasi ka dambeeyey ay baxsadee.

Dilka loo geystay mid ka mid ah Shaqaalaha Golaha Shacabka ayaa ku soo aadaya xilli gabaldhicii Caawa xaafada maana booliyo ee degmada Shibis lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada minashiibiyada.