Michael Keating oo ka hadlay Dagaalka Alshabaab, Doorashooyinka iyo Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka QM ee Taageerida Somalia (UNSOM), Michael Keating ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Warbixin u gudbiyey 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Alshabaab khatar ku yihiin Ammaanka Somalia, isla markaana ay bartamihii bishii Maarso weerar ku qaadeen Deegaano ku yaalla Xeebaha Maamulka Puntland.

Waxa kale oo uu Ciiddanka AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka ku ammaanay sida geesinimadda leh ee ay had iyo jeer uga hortagaan weeraradda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna Beesha Calaamka ugu baaqay in laga taageero AMISOM hawlgalladda lagula dagaalamayo Xag-jirnimadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Michael Keating waxa kale oo uu ka hadlay Siyaasadda, Ammaanka, Abaaraha iyo Qorshaha Doorashooyinka Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Somalia haatan ku tallaabsanayo Horumar Siyaasadeed iyo in la qabto Doorasho.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay iska kaasahadaan Siyaasiyiinta Somalia iyo Odayaasha Dhaqanka si loogu guuleysto Hadafka Doorashadda, wuxuuna Dowladaha deriska iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay sii wadaan taageeradda ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Ergayga QM ee Somalia waxa uu tilmaamay in isbuucii la soo dhaafay ay Hoggaamiyayaasha Dowladda Federaalka iyo Madaxda Mamaul-gobaleedyadda Heshiis ka gaareen Nidaamka Doorashadda ee lagu dhaqmi doono dabayaaqada sannadkan.

Waxa uu xusay inaysan Cod-bixinta ka dhici doonin Caasimadda Somalia oo keliya, balse ay ka dhici doonaan caasimaddaha Maamul-gobaleedyadda.

Michael Keating waxa uu ka digay caqabad ka imaan karta Saamiga 30% Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Kuraasta Barlamaanka, isagoo sheegay inaysan arrintaasi sahal ku noqon Karin Nidaamka lagu saleeyey Awood-qeybsiga Beelaha.

Waxa uu intaasi ku daray inay Taariikh weyn tahay in Haweenka door ku yeeshaan Awoodaha Siyaasadda iyo Hoggaaminta.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka QM ee Arrimaha Somalia waxa uu tilmaamay inaysan weli dhamaanin dadaalka loogu diyaar garoobayo Doorashooyinka, isagoo carrabka ku dhuftay in Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe weli ka  jiraan dhibaatooyin dib-u-dhac keenayo.

“Beesha Caalamka waxaa ka go’an inay taageeraan Heshiis Guud oo ay gaaraan Hoggaamiyayaasha Beelaha ee labadaasi Gobal” ayuu yiri Michael Keating.

©Radio Dalsan