Maydad badan oo Askar Kenyaan oo laga helay Saldhigga Ceel-cadde.

Ciiddanka Khaaska ee Kenya waxay shalay iyo dorraad ka soo ururiyeen Xeradda Ceel-cadde 40-mayd, kuwaasi oo lagu wado in maanta loo duuliyo magaalladda Nairobi.

Ugu yaraan 9 Duullimaad ayaa shalay ku degay Saldhigga Ceel-cadde, si loo soo ururiyo maydadkaasi.

Maydadka ayaa la sheegay inay midab doorsoomeen, iyadoo qaarkooda ku gubteen qaraxyaddii ay Alshabaab ku weerareen Xeradda Ceel-cadde.

11-Askari oo iyagoo nool la helay ayaa iyagana loo duuliyey Nairibi, iyadoo Tirada Askarta Kenyaanka ee ka badbaaday weerarkii Ceel-cadde gaarayaan in ka badan 40-Askari.

Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Kenya, Dacvid Obonyo ayaa sheegay inay socoto qabanqaabadda sidii Aas Qaran loogu samayn lahaa Askarta Kenyanka ee Jimcihii lagu dilay weerarkii Ceel-cadde.

©Radio Dalsan