Maxkamadda Sare ee Rafcaanka Koonfur Afrika oo amartay in la furo Xafiiska Qaxootiga ee dalkaas

Maxkamadda Sare ee Rafcaanka ee dalkaasi ayaa shalay sheegtay in Go’aankii lagu xiray Xafiiskaasi sannadkii 2012-kii ahaa mid aan sharci ahayn.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxay kaloo dhaliileen go’aankii uu Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaxootiga ee Cape Town ku xiray Xafiiskaasi, isla markaana uu ku fashilmay inuu qiimeeyo Muhiimadda Xafiiskaasi u leeyahay Qaxootiga Magangelyo-doonka ee Soomaalida iyo kuwa kale ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Tan iyo markii Xafiiskaasi sida sharci-darradda loo xiray waxaa lagu khasbay  Qaxootiga Magangelyo-doonka ah iyo Qoysaskooda inay u socdaan Xafiisyo kale oo meel fog ku yaalla, si ay u helaan Waraaqaha Qaxootiga iyo kuwa Joogitaanka dalkaasi.

Qaxootigaasi waxay 3-dii bilood mar tegi jireen Xafiisyadda Qaxootiga ee ka kala furan Caasimadda dalkaasi ee Biritoria iyo magaallooyinka Darban iyo Musina.

Maxkamadda Sare ee Rafcaanka ee dalka Koonfur Afrika waxay amar ku bixisay in bisha Maraso ee sannadka soo socda dib loo furo Xafiiska Qaxootiga ee magaalladda Keeb Taawn.

Maxkamaddu waxay kaloo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ku amartay inay Warbixin ka sii dhiibaan hadba heerka uu marayo hawlaha dib loogu furayo magaalladda Keeb Tawm.

Dhinaca kale, Kiiska Dacwadda ee loo gudbiyey Maxkamadda Sare ee Rafcaanka ee dalka Koonfur Afrika waxaa Ururadii gudbiyey ka mid ahaa Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Koonfurta Afrika.