Maxkamadda Ciiddamadda ee Uganda oo laashay dacwadihii loo haystay Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM

Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Michael Ondogo oo lagu waday in maanta la soo maxkamadeeyo ayaa la sheegay in laga noqday Dembiyaddii loo haystay.

Hadal ka soo baxay Xeer-beegtidda Maxkamadda Ciiddamadda ee Uganda ayaa lagu sheegay inaan la haynin caddeymo buuxda oo muujinaya Dembiyadda lagu soo oogay Taliyahaasi hore.

Maxkamaddu waxay sheegtay inaysan caddaymo buuxda u helin Eedeymo la xiriiray inuu Taliyahaasi mas’uul ka ahaa Taangi  oo  ay Ciiddamo Ugandhese  saarnaayeen oo ay Alshabaab ku gubeen magaalladda Muqdisho

Waxaa kaloo Taliyahaasi hore lagu waayey inuu ku fashilmay Amar la siiyey bishii July 19-dii ee sanandkii 2012-kii oo ahaa in  1,500 Askari lagu soo biiriyo  Askarta Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Xeer-beegtida waxay kaloo meesha ka saareen Kiis ay Dacwad-oogayaasha ku sheegeen inuuTaliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Mishael Ondogo amar la’aan qaaday Hawlgal Milliteri oo ay Ciiddankiisa ka fuliyeen Degmadda Afgooye ilaa Degmadda Baydhabo bishii September 5-dii ee sannadkii 2012-kii.

Taliyahaasi hore waxaa kaloo laga dhaafay dacwad la xiriirtay inuu 1,500 litir oo shidaal ah oo loogu talagalay Hawlgalladda uu ka iibiyey dad Soomaali ah.

Dhinaca kale, Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inay rafcaan ka qaadan doonaan go’aanka ay Maxkamadda ku laashay dhamaan eedeymihii loo haystay Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Mishael Ondogo.

Go’aanka ay Xeer-beegtida Maxkamadda Ciiddamadda Uganda ku tirtireen dacwadihii ka dhanka ahaa Taliyahaasi ayaa la sheegay inaysan micnaheedu ahayn inaan mar kale lagu soo oodo dacwad.

Xigasho:- New Vision