Dalalka Geeska Afrika waxay isku raaceen dhismaha Ciiddan Wadajir ah oo xiriiriya ka-hortga Gobalka ee Faragelinta khataraha Kheyraadka Badda iyo Ammaanka Badda Cas iyo Gacanka Carbeed.
Guddiga Danjirayaasha ee ka socday Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD oo kala ah Somalia, Djibouti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Sudan, South Sudan ayaa waxay Khamiistii la soo dhaafay Kulan ku yeesheen magaalladda Nairobi, iyagoo dhidbay Koox hoggaamisa Hawlgalkaasi Ciiddanka Khaaska ee Difaaca Dnaaha Gobalka iyo Kheyraadka.
Go’aankaasi waxa uu dhiiri-gelinayaa baahida loo qabo inay dowladaha Geeska Afrika yeeshaan Dan Guud oo ku aadan Danaha Ammaanka iyo Dhaqaalaaha ee Mandiqadda.
Walaaca ugu weyn ee dalalka Gobalka waxay tahay Ammaanka Badda, Tahriibka, Argagixisadda, Ka-hortagga Kalluumeysiga sharci-darradda, Burcad-baddeeda, Wasaqowga Hawada iyo Haraagga wasaqda Kiimikadda ee lagu daadiyo Baddaha Geeska Afrika.
Go’aanka lagu dhisay Ciiddanka Wdaajirka ayaa timid, iyadoo ay kordheen Tartanka Kheyraadka Badda ee ka socda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Saldhigyadda Milliteriga ee dalalka ay ka midka yihiin Shiinaha, Maraykanka, Turkiga iyo Imaaardaadka Carabta ku yeesheen Xeebaha Gobalka.
Ciiddanka Wadajirka ee Geeska Afrika waxa kale oo uu fududeyn doonaa Siyaasadda Wada-xaajoodka ee dalalka Gobalka iyo Jilaayaasha Caalamka iyo Horumarinta Mowqif Guud oo lagu badbaadinayo Danaha Ammaanka iyo Dhaqaalaha ee Gobalka.
Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay muhiim u tahay Dhabaha Biyaha Caalamiga iyo muhiimadda Danaha Juqraafi-Siyaasad ee Dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD.
Ergayga Khaaska ee IGAD ugu qaabilsan IGAD, Mohamed Ali Guyo oo madax ka noqon doonaa Kooxda maamulaysa Ciiddankaasi ayaa sheegay in Gacan-biyoodka Baabul-mandabka oo ka mid ah goobaha ugu istaraatijiyeysan Caalamka u uxajiin doono Qiimaha Gobalka ee Gnaacsiga Maraakiibta Calaamka iyo Ammaanka.
Waxa kale oo uu sheegay inaysan jirin cid doonaysa in la carqaladeeyo marinkaasi muhiimka, isla markaana dagaalka Yemen, Kontorool la’aanta Muhaajiriinta iyo Joogitaanka Kooxda Daacish ee Waqooyiga Somalia ay dib u soo celin karaan Falalka Burcad-baddeedka.