Waxaa weli socda dadaalka lagu doonayo in lagu soo af-jaro xiisadda ka dhalatay Afduubka Diyaaradda Egypt Air ee weli taagan Garoonka Larnaca Airport ee Jesiiradda Qubrus.
Xaaskii hore ee Afduubaha oo lagu magacaabo Marina Parashkou ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadanayo Wada-xaajoodka lala leeyahay Afduubaha oo ah Professor dhimirka looga jiro o olagu magacaabo brahim Samaha.
Diyaaradda waxaa haatan weli lagu haystaa Duuliyihii, Ku-xigeenkiisa, Sarkaalkii Ammaanka iyo Hagaha Duullimaadka.
Waxaa kale oo Diyaaradda ku dhex sugan 2 Muwaadin o oBritish ah, sida uu qoray Wargeyska The Daily Mirror.
Diyaaradda lagama dhex helin wax qarxa, sida laga soo xigtay Ilo dhinaca Ammaanka.
Warbaahinta Qubrus waxay shaaciyeen inuu Afduubaha magangelyo ka codsaday Dowladda Qubrus, inkastoo aysan Dowladda ka hadlin arrintaasi, maadaama uu socdo dadaal lagu badbaadinayo dadka weli lagu haysto Diyaaradaasi oo nooceedu yahay Airbus A320.
Duuliyaha Diyaaradda, Omar Aljamaal ayaa horey u sheegay in uu mid ka mid ah Rakaabka ku cabsi geliyey inuu wato suunka isqarxinta, kuna khasbay inuu Diyaaradda ku dejiyo Garoonka Larnaca ee Jesiiradda Qubrus.