AFRICOM oo beeniyey inay Alshabaab qabsadeen Diyaarad Drones Maraykanka lahaa.

Milliteriga Maraykanka ayaa beeniyey warar ay Alshabaab ku sheegeen inay Diyaaradaasi ku qabsadeen, kadib, markii ay ku soo dhacday Tuulladda San Dacar oo 60-KM u jirta magaalladda Baardheere ee Gobalka Gedo.

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) , Chuck Prichard ayaa sheegay inaysan jirin Diyaarad Drones oo ay leeyihiin oo ku  dhacday K/galbeed Somalia, isla markaana aysan la soconin sheegashada Alshabaab.

Sidoo kale, Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon ayaa gaaashaanka ku dhuftay Sheegashadda ay Alshabaab ku sheegeen inay qabsadeen Diyaarad Drones oo laga lahaa Maraykanka.

Warbaahinta u gaarka ah Alshabaab ayaa lagu shaaciyey inay 6 gantaal ku rakibanaayeen Diyaaradaasi oo shalay ku soo dhacday Tuulladda San Dacar ee Gobalka Gedo.

Dhowrkii sanno ee la soo dhaafay, Diyaaradaha Droneska Maraykanka waxay Hawlgalo Sirdoon iyo Duqeyn ah ka sameeyaan Hawada Somalia, waxaana duqeymahaasi lagu dilay  Saraakiil Sarsare oo ka tirsanaa Alshabaab, oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane.

©Radio Dalsan