Maraykanka iyo Britain oo cambaareeyey weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Kenya

Madaxa Sare ee Ergadda Britain u joogta dalka Kenya,  Christian Turner ayaa sheegay inay si dhow ugala shaqeynayaan Dowladda Kenya La-dagaalanka Alshabaab iyo sidii Eedeysanayaasha loo hor keeni lahaa Caddaaladda.

Waxa uu Ciiddanka Kenya ku bogaadiyey waxa u uugu yeeray qaabkii ay isaga difaaceen weerarkii Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna ka digay weeraro kale oo ay Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Dhinaca kale, Danjiraha Maraykanka, Robert Godec ayaa isagana ku baaqay in loo midoobo sidii loo soo af-jari lahaa La-dagaalanka Alshabaab.

Hadalkooda ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya  Axaddii la soo dhaafay ku dagaalameen duleedka Xeradda Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Baure ee Laamu.

Iska horimaadkaasi oo socday muddo dhowr saacadood ayaa waxaa ku geeriyootay Tobaneeyo qof oo labada dhinac  ah.

© Warqabadka Dalsan Radio