Maleeshiyadda Abu Sayaaf oo surka ka jartay Askari u dhashay Filibiin.

Askarigaasi oo lagu magacaabi jirey Saddex Alifle Anni Siraji waxaa madaxiisa laga helay oo meel 50 mitir u jirta halka la dhigay qeybaha kale ee jirkiisa.

Taliyaha Ciiddanka Hawlgalka ee Gobalka Sulu, Jeneral Kirilito Sobejana ayaa sheegay inay Kooxda Abu Sayaaf maydka Askariga soo dhigeen Degmadda Patikul.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu hayb ka ahaan ka soo jeedo Qabiilka Tausog oo ay Maleeshiyadda Abu Sayaaf u badan yihiin, wuxuuna ku hawlanaa dhexdhexaadin.

Dilkaasi ayaa u muuqday mid ay Kooxda kaga aar-goosanaysay  fal ay Ciiddanka Dowladda 3 ka mid ah Kooxdaasi horey ugu dileen iska horimaad ka dhacay Jesiiradda loo dalxiiso tago ee Bohol.

©Radio Dalsan