Madaxweynihii DKMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu casuumay  Munaasabadda Gooni-isku-taagga Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa magaalladda Hargeysa ayaa qoray inay Dowladda Maamulka Somaliland ku casuumeen Madaxweynihii DKMG ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Farroole inay ka soo qeyb galaan Munaasabadda Gooni-isu-taagga Somaliland oo ku beegan bishan May 18-da.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Farroole ayaa weli Bareerahooda si rasmi ah ugu shaacinin inay oggolaadeen Casuumadaasi ayaa la sheegay in la siinayo Fursad ay Khudbad jeediyaan muddada ay socdaan Fantasiyaha Munaasabadda 25-guuradda Gooni-isu-taagga Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka la magac baxay Somaliland ee sheegay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia ayaan weli helin Aqoonsi Caalami ah, waxayna Beesha Caalamka u aqoonsan yihiin Maamulkaasi Gobalka W/galbeed ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

©Radio Dalsan