Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Galinkii Dambe ee Maanta Waxaa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynha Waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xubo ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho qaadatay Seddax Maalin Waxaa uu ku Joogay Magaalada Dhuusamareeb waxaana intii uu halkaasi ku sugnaa kulamo la qaatay odayaal dhaqameed.

Dib soo naqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay imaaneysaa iyada oo maanta la isku raacay in Cadaado lagu qabto Shirka Maamul u sameenta Goboladda Dhexe.