Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Danjiraha Australia ka guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga

Muqdisho, 14 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadihi aqoonsiga, Danjiraha Australia, wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Mr John Feakes.

Madaxweynaha ayaa wakiilka uga waramey xaaladda dalka iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad dhisidda, baahinta xukunka, amniga iyo caqabadaha weli waddanka ka jira.

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey dowladda Australia inay gacan ka geysato barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee la xiriira horumarinta dhalinyarada iyo shaqa abuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Australia, taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhacdaddii dhowaan ay ciidammada Australia ku qabteen hub si sharci darro ah loogu soo wadey Soomaaliya.

Mr Feakes, Danjiraha cusub ee Australia, ayaa Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay horumarka lagu tallaabsadey dhinacyada amniga, siyaasadda, hirgelinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in Australia iyo beesha caalamka ay ka war-hayaan xaaladaha adag ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.

Danjiraha ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay dalka, waxaana uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada kaalmada horumarinta, maalgashiga iyo gacan-siinta hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

AUSTRALIA 3
AUSTRALIA

AUSTRALIA2 AUSTRALIA 7 AUSTRALIA 6 AUSTRALIA 5

————–DHAMMAAD——–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor