Madaxweyne Xasan: “Guul ayay noogu soo dhamaadeen kulamadii aan la yeelanay Reer Hiiraan”.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo 3 maalmood booqasho hawleed ku joogay magaalladda Beled-weyne ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaatay Kulankii ay la yeesheen Reer Hiiraan.

” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan, kulamadaas oo ujeedadoodu ahaayd la-tashiyo iyo in aan u sharaxno dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo qorshuhu yahay in todobaadka soo socda ka furmo magaaladda Jowhar iyo inaan sii xoojino heshiiskii la dhax-dhigay Beelahii walaalaha  ee uu khilaafka ku dhex maray Beledweyn” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu u mahad celiyey  Odayaasha Dhaqanka ee Dowladda Federaalka ah gacanta ku siiyeen in xal laga gaaro khilaafkii dadka walaaha ah ku dhex maray Beledweyn.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha waxa uu u mahad-celiyey Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshadda Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyn waanaagsan  u sameeyey , isla markaana la wadaagay dareenkooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Dowladda Federaalka ah.

M1 M4 M3 M2

©Radio Dalsan