Madaxweyne Putin oo Digniin u diray Madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Jarmalka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Maanta la hadlay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz.

Wuxuu kala hadlay hubka ay siinayaan Ukraine inay tahay arrin halis ah isla markaana ka digay in xaaladda amniga ah iyo tan banii’aadanimo ay faraha kasii bixi karto waa haddii tallaabadaas ay sii wadaan.

Putin ayaa wuxuu intaa ku daray in uu diyaar u yahay sidii uu kusoo daabuli lahaa maraakiib siday harruur kuwaas oo ku xayiran dekedaha Ukraine tan iyo duulaankii uu Ruushka ku qaaday halkaas.

Putin wuxuu xaqiijiyay in uu diyaar u yahay in dib loo bilaabo wadahadallada lagu joojinayo dagaalka Ukraine iyo Ruushka.