Madaxweyne Farmaajo oo Maanta u Ambabaxay Itoobiya

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta u duulay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya oo uu kulamo kula leeyahay madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyey maanta ku aaday Itoobiya, kadib casuumaad uu ka helay ra’isul wasaaraha Itoobiya Haile Mariam.

Wafdiga madaxweynaha ayaa maanta ka ambabaxay Muqdisho, waxaana safarka madaxweynaha uu haa mid hore loo sii shaaciyey, iyadoo warbaahintu ay warisay maalin ka hor safarka madaxweynaha ee Itoobiya oo la shaaciyey marka laga tago la kulanka madaxda Itoobiya inuu kulamo khaas ah laleeyahay madaxda ururka Africa ee IGAD.