Madaxweynaha Soomaaliya oo aqbalay warqadaha Safiirka Cusub ee Norway

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xafiiskiisa Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo kaga gudoomay Danjiraha Dowladda Norwey u fadhin doona Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa Danjire victor Conrad Rambac waxaa uu u rajeeyay in uu ka shaqeyn doono hormarinta xiriirka labada dowladood.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia Khaalid Cumar cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safiirka Norway uu xoojin doono Xiriirka Labada Wadan.

Danjire victor Conrad Rambac oo dhankiisa saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in madaxweynaha uu ka aqbalo warqadihiisa safiirnimo.

Dowladaha Taageersan Siyaasada Soomaaliya ayaa aad isu soo taraya iyaga oo Safiiro usoo magacaabaya Dalka Soomaaliya.