Maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose oo Sheegay in 20 Dagaalame Looga Al Shabab Weerar Dhinaca Cirka

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo Wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in Weerarkii Shalay ee Dhinaca Cirka in lagu dilay 20 Dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabab.

Duqeynta oo loo maleynayo iney fulisay Diyaarad nooca Duuliyaha aan laheyn oo uu Mareekanka leeyahay ayaa ka dhacday Meel u dhaw Magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Shabeeladda Hoose.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Weerarka oo lala eegtay Xero ay ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al Shabab in lagu burburiyay Dhismo iyo gawaari u dhawaa Halkasi.

Al Shabab weli ma aysan ka hadlin Weerarka oo Shalay dhacay.

Mareekanka ayaa inta badan sheegta Masuuliyadda Weerarada dhinaca Cirka ee ka dhan ah Al Shabab.