Maamulka Gobolka Gedo oo xaqiijiyay dhimashada 40 Kenyan ah

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Ee Dowlada Soomaaliya Maxamed Xuseen Isaaq ayaa u sheegay VOA in ku dhawaad 40 Askari oo Kenyan ah lagu dilay Weerarkii Al Shabab ay ku qabsaden Xerada Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Ceel Cade.

Waxa jira warbixino iskhilaafsan oo sheegaya khasaaraha Weerarka,Al Shabab waxa ay sheegatay dhimashada 60,Kenya wey beenisay,halka warbaahinta dibadda ay sheegeyso ilaa 63 dhimasho iyaga oo soo xiganaya Al Shabab.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay duqeeyen Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab,iyagana ay ku jawaaben Lidka Diyaaradaha.