Lacagta Shillinka Soomaaliga oo laga diiday Deegaano horleh

Magalada Johwar ee Xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe Wararka naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ganacsatada ay diideen isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga,iyaga oo soo bandhigay sababta ay u diideen.

Ganacsatada ayaa waxa y sheegeen in uu hoos u dhacay Shillinka Soomaaliga,iyada oo Boqolkii Dollar Jowhar lagu sarifayo lacag dhan 2500,000 Shillin Somali halka markii hore uu ka ahaa 2300,000 Sh.So.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Warka soo baxay ayaa Ganacsatada looga digay in ay diidaan lacagta shillinka Soomaaliga,sida uu sheegay ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Maxamed Cabdi Sheekh.

Lacagta shllinka Soomaaliga ee Maanta isticmaalkeeda laga diiday Magalada Jowhar ee Xarunta Mamulka Hir-Shabeelle ayaa ku soo aadeysa xilli Maalintii labaad Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug laga diidan yahay lacagta Shillinka Soomaaliga.

Qaar ka mid ah dadka danta yar ee ku nool Magalada Jowhar ayaa tallaabada ay lacagta Shillinka Soomaaliga Maanta ku diideen Ganacsatada walaac ka muujiyey,iyaga oo sheegay in ay tahay dhibaato horleh oo ku soo korortay Shacabka Jowhar.