Qarax lala beegsaday Maanta laba gaadhi oo maraayay Deegaanka Ceelasha biyaha ayaa waxa ku dhintay Saddex qof waxana ku dhaawacmay Toban qof oo kale
Gawaadhida lala beegsaday qaraxa ayaa ahaa qaar siday dad rakaab ah kuwaasi oo ku sii socday deegaanka ceelasha
Qaraxan ayaa ahaa mid xoog wayn oo inta badan laga maqlaayay meelaha ku dhow, waxa sidoo kale qaraxani dhibaato gaadhsiisay dhismayaal ku dhawaa halkaas
Dad Goobta joogay ayaa idaacada dalsan u sheegay in ay arkeen maydka iyo dhaawaca oo la saarayo Baabuurta si loo gaadhsiiyo goobaha Caafimaadka