Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta markii ugu horeysay uu ka furmo Dugsiga tababarka Booliiska ee Gen,Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolkaan Banaadir,kaas oo aan horay looga baran in kulamada caadiga ah lagu qabto marka laga reebo xiligii doorashooyinka.
Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Gen,Kaahiye ayaa waxaa lagu xasuustaa in Siyaasiyiin badan oo xiligaas waday Ololo doorasho ay diideen in lagu qabto doorashada Xubnaha Baarlamaanka iyo walba tan madaxweynaha Soomaaliya,waxana kamid ahaa Siyaasiyiintii diiday Madaxweynaha hada talada dalka haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,taas oo dhalisay in loo wareejiyo Xerada Xalane.
Madaxweyne Farmaao,ayaa furi doono kulanka Baarlamaanka 10,aad kala-fadhigiisa 2,aad sida uu qabo dastuurka dalka Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah oo u Waramay Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu Maanta ka hadli doono arimo badan oo ay ka mid yihiin murankii ka taagnaa heshiiskii Maamulka Soomaliland ay ugu fasaxeen Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka in ay Dekadda Berbera Maamusho iyada ay xusid mudan tahay in horay xildhibaanada ay mooshin uga keeneen,waxana sidoo kale uu ka hadli doonaa Mowqifka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka ka dhaxeeyay Wadamada Khaliijka xili uu fasax ku maqnaa Baarlamaanka Soomaaliya bartimihii Bishii hore.
Arinta ku saabsan khilaafka u dhaxeeyay Wadamada khaliijka ayaa waxaa ku kala aragti duwan Siyaasiyiinta sida,Baarlamaanka ,Madaxda Maamul goboleedyada iyaga oo ku doodaya in aanan lagala tashan laguna fududaaday Go’aanka ay dowladda qaadatay.
Maanta ayaa laga War dhow rayaa kulanka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waxyaabihii ka soo baxa.