Dowladaha Britain iyo Maraykanka ayaa ka digay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Dowladda Britain ayaa sheegay inay heleen Wrbixino ku aadan inay Maleeshiyadda Boko Haram doonayaan inay afduubtaan Shaqaalaha shisheeyaha ee Samafalka ee ka hawlgala Deegaanka Bama ee Gobalka Borno ee W/bari ee dlkasi.
Safaaradda Marayknka ee ku taalla Caasimadda dalka Nigeria ee Abuj ayaa uga digtay Muwaadiniintooda arrintaasi, waxayna ugu baaqeen inaysn booqasho ku tegin goobaha ay Boko Haram maamusho.
Ugu yaraan 20,000 oo qof yaa lagu dilay tan iyo markii ay Maleeshjiyaddaasi bilaabeen Kacdoonka Hubeysan sannadkii 2009-kii.
Dhinaca kale, 9 Askari oo u dhalatay dalka Chad ayaa lagu dilay weerar ay Boko Haram shalay ku qaadeen Bar ay Ciiddanku ku lahaayeen Harradda Chad.
Ilo dhinaca Ammaanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AFP in sido okale, 40 Maleeshiyo lagu dilay iska horimaadkaasi.
©Radio Dalsan