Koox Hubeysan oo Gaadiid ku rasaaseeyay Somaliland

Kooxo hubeysan ayaa Maanta rasaas xoogan ku furay gaadiid Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh Ee Maamul goboleedka Somaliland.

Wararka ayaa sido kale sheegaya in Gaadiidka booyada shidaalka qaada in koox hubeysan ay ku rasaaseysay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera.

Ma jirto khasaare ka dhashay Weerarka gaadiidkasi lagu qaaday balse waxa ay arintan la xiriirtaa Khilaaf ka jira Wareejinta Haamaha shidaalka Ee Magaalada Berbera.