Shalay ayaa wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowlad goboleedka Jubbaland ay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta u gudbiyeen dacwad ay ka qabeen Ciyaar yahan Cabdimajiid Cismaan u dheelayay Xulka Gobolka banaadir tartanka kubada Cagta ee Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Maanta oo ah Axad 10/11/2017 ayaa dacwadaas waxa ka soo jawaabay xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed,kaas oo ah in Ciyaaryahanka Cabdimajiid Cismaan Xulka Gobolka banaadir ugu Ciyaarayay (No. 9) uusan aheyn Ajnabi isla markaana uu yahay Soomaaliya.
Xiriirka Kubada Cagta oo ka jawaabay dacwadaas ayaa Jubbaland ku qanciyay in uu Ciyaaryahankaas yahay Soomaali uuna ciyaari karo waxa ayna siwadajir ah u soo saareen Go’aanadaan.
1:- In Ciyaaryahanka la yiraahdo Cabdimajiid Cismaan Ibraahim oo ka tirsan Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Gobolka Banaadir uusan aheyn Ajnabi uuna ka qeyb qaadan karo dhammaan tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta.
2:- Waxaa dhammaan ka qeyb galayasha tartanka lagu wargeinyaa in ay ka qeyb qaadan karaan qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ha heysto baasaboor noocuu doono ha ahaado.
Sidaas darted waxaan ku rajo weynahay in aad sida ula socon doontaan.