Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xrunta Gobolka Galgaduud ahna Xarunta Maamulka Galmudug waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow kala duwan kaas oo lagu soo dhaweynayo madaxda Galmudug oo dhawaan halkaasi tegi doonta.
Isbedel weyn ayaa laga dareemayaa Dhuusa Mareeb,waxana dib u bilawday dhismaha Goobaha muhiimka ah ee degmada iyo Xarumaha Maamulka sidaasi waxaa Dalsan u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta Maamulka.
Wufuud kala duwan ayaa sidoo kale ku sii qul qulaya Magaalada kuwaas oo hordhac u ah wufuuda galmudug ee la filayo in bartamaha Bishaan ay tagaan Magaalada Dhuusa Mareeb.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa isna kulamo la leh waxgaradka ku dhaqan degmadaas isaga oo kala hadlaya sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii ay horay u gaareen iyaga iyo Maamulka Galmudug.
Xaafadaha kala duwan ee degmada Dhuusa Mareeb ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada amniga xaqiijinaya iyada oo laba maalin ka hor taliska Booliiska dhuusa mareeb uu soo saaray amaro amniga la xiriira.
Sabtida Maanta ayaa sidooo kale la filayaa in ay bilaabato dhismaha Xarunta Cusub ee Madaxtooyada Maamulka Galmudug,si halkaas loogu Shaqeeyo.
Sikastaba degmada Dhuusa Mareeb ayaa dhowr Sano kaidb waxa ay hadda noqotay mid ay u dheg taagayaan Shacabka ku nool Gobolada Dhexe,waxana jira in ay halkaasi tegayaan dad hor leh oo doonaya in ay xilal ka helaan Galmudugta Cusub.