Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Maanta waxa ay howlgal ka wadaan Xafado ka tirsan Gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Howlgaladaan ayaa Saraakiishu ku sheegeen mid amniga lagu xaqiijinayo kadib markii shalay Boosaaso ay ka dhaceen laba qarax oo uu mid ka mid ah ahaa Ismiidaamin.
Qof ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Boosaaso ayaa Dalsan u sheegay in saakay ay ku waabariisteen Ciidamo farabadan oo taagan Albaabka hore ee guryahooda iyo goobahaooda Ganacsi kuwaas oo baaritaano ku haya.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay Guri Guri u baaraayan Xaafadaha Magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale xiran goobaha ka agdhaw saldhiga Bartmaha halkaas oo ah goobtii uu shalay qaraxa ka dhacay.
Ciidamada ayaa la soo sheegayaa in ay ku qabqabteen dad Dhalinyaro u badan wallow badankood ay markii dambe siidaayeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland oo aan qadka taleefoonka kula xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in Saacadaha soo socda ay faah faahin doonaan ujeedka howlgalka iyo waxyaabihii ay ku soo qabteen.