Hoggaamiyayaasha Mandera oo walaac ka muujiyey weerar weyn oo ay Alshabaab ka geystaan Kenya.

Koox uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Mandera, Ali Robo ayaa sheegay in Weeraradda ay Alshabaab ku beegsadaan Taawaradda Isgaarsiinta in looga dan leeyahay Weerar ballaaran oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qaadaan Kenya.

Ali Robo waxa uu tilmaamay inay Alshabaab doonayaan inay Mandera ka jaraan qeybaha kale ee Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab curyaamiyeen Dhaqdhaqqayadii Gnaacsiga, isla markaana ay haatan qorsheynayaan inay go’doomiyaan Mandera, waa sida uu Ali Robbo ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Star.

Guddoomiyaha Mandera, Ali Robo waxa uu xusay inaan wax tallaabo ah la qaadin, tan iyo markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab burburiyeen Taawaradda Isgaarsiinta, wuxuuna ku baaqay in Ciiddamo dheeraad ah la keeno Mandera, si looga hortago weeraradda Alshabaab.

Dhinaca kale, dab xalay ka kacay Garissa waxaa ku baaba’ay Daawooyin iyo qalab lagu qiyaasay in ka badan 1 Billion oo Shillinka Kenya.

Qaar ka mid ah Qalabka gubtay waxaa ku jiray Mashiinka lagu miisaamo Carruurta, Sariiro, Daawooyin iyo qalab kale oo Caafimaad oo ay ku deeqeen UNICEF iyo WHO.

©Radio Dalsan