Rabshado ka dhashay Nin doonayay inuu gubo kitaabka Qu’raanka oo dhacay

Dibadbaxayo looga soo horjeeday kooxda midigta-fog oo doonaysay inay Qur’aan-ka Kariimka ah ku gubaan magaalada Orebro ee bartamaha Sweden Jimcihii shalay ahaa ayaa ka dhacay dalkaasi.

Afar askari oo ka tirsan booliska Sweden iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay rabshadahaan. Mudaaharaadayaasha ayaa mar kale isugu soo baxay si ay u muujiyaan caradooda ku aadan siyaasiga garabka midig ee Rasmus Paludan u dhashay Denmarka Sidoo kalana haysta dhalshada Sweden.

Khamiistii mudaaharaad uu qorsheynayay inuu ka sameeyo magaalada Linkoping ayaa dhaliyay isku dhacyo ay ku dhaawacmeen saddex askari oo boolis ah.

Dibad-baxan oo ogolaansho loo haystay ayay boolisku kala eryeen si xaaladda loo dejiyo, waxaana fiidnimadii jimcaha ka baxay goobaha inta badan dibad-baxayaasha, sida ay booliisku sheegeen.

“Waxaan ku dhex noolnahay bulsho dimuqraadi ah, mid ka mid ah hawlaha ugu muhiimsan ee booliiskuna waa inay hubiyaan in dadku ay isticmaali karaan xuquuqdooda dastuuriga ah si ay u muujiyaan fikradahooda,” ayuu yiri taliyaha booliiska Sweden Anders Thornberg subaxnimadii Jimcaha, isagoo ka falcelinaya dhacdooyinkii Khamiista.

“Boolisku ma kala dooran karaan cidda xaqan leh, laakiin mar walba waa inay soo farageliyaan haddii xadgudub la sameeyo,” ayuu ku daray hadal uu soo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor