Hirshabelle oo Xaadole Gudoomiyaha Balcad u magacawday

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa loogu magacaabay Cismaan Maxamed Xaadoole guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Xaadoole ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha degmada Balcad iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyaha degmada Balcad Maxamed Maxamuud Saney oo hayay xilkan illaa iyo sanadkii 2014,

Xaadoole ayaa loog saaray Balcad dagaal dhex maray isaga iyo ciidamada DFS xiligi Xasan Sheikh Maxamuud.

Xaadole ayaa ku nool bananka Balcad sanad iyo bar inakstoo marki dambe la dhaxdhaxxdiyey isaga iyo madaxweyne Xasan Shiikh

Si kastaba Xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii degmada Balcad Maxamuud Maxamed Saney ayaan wax saameyn ah ku yeelan doonin guddoomiye ku xigeenada maamulka degmada Balcad.