Hay’adda CPJ oo Somaaliland ku boorisay inay sii daayaan Saxafi ku xiran Magaalada Hargeysa

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa lagu booriyay inay sii daayaan saxafi loo heysto sheeko uu ka qoray macallimiin iskuul oo laaluush  ka qaatay arday si looga dhaafsado buundooyin sare.

Saxafiga xiran oo lagu magacaabo Mohamed Dirir ayaa xabsiga la dhigay isagoo ka qeybgalayay shir-jaraa’id oo ka dhacayay wasaaradda Waxbarashada maamulka isku magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland.

Saxafiga Mohamed Dirir, ayaa afartii cisho ee la soo dhaafay waxaa wax laga weydiinayay eedeymo ku saabsan, Kicin dadweyne, baahinta warar la been abuuray iyo bulshada oo ku dhiirigeliyay inay sharciga baal maraan.

Gudiga badbaadada Saxafiyiinta ee CPJ ayaa xarigga wariyaha ku sifeeyay mid ku lug leh dagaala kala dhaxeeya iskuulada gaarka loo leeyahay ee NURADIIN.

Angela Quintal, isu-duwaha arrimaha xuquuqda Aadmaha Afrika ee CPJ ayaa sheegtay cuuryaaminta wararka iyo xarigga saxafiyiinta in lagu xeeqi karo muran dhinaca faafreebka oo wabaahinta ka dhan ah.

“Waxaan ku boorineyn mas’uuliyiinta Somaliland in si dhaqso ah loo soo sii daayo Mohamed Adan Dirir meeshana laga saaro dabagalka lagu hayo shaqadiisa” ayey haalkeeda ku daray, Angela Quintal.

Hadii saxafiga lagu helo dacwada ku saabsan faafinta wararka been-abuurka ah waxa uu muteysan karaa xabsi lix bilood ah ama ganaax lacageed oo dhan 3 Million oo shilinka Somaliland ah. Eeda kale ee ah in bulshada uu ku dhiirgeliyay inay ka soo horjeestaan qaanuunkana waxa uu la kulmi karaa xabsi gaaraya 5 sano, sida uu qabo xeerka ciqaabta Somaliland.

Mohamed waxaa xabsiga la dhigay bishii May laakin muddo bil ah kadib waa la sii daayay iyadoon maxkamid la saarin, arrintaasoo dabasocotay markii uu su’aal weydiiyay wasiir caafimaad Saleeban Ahmed Isse.

Barta uu saxafigaas wax ku daabaco ayaa waxay ka mid tahay 5 bog oo bishii July uu maamulku xanibay iyadoo lagu eedeynayo fidinta warar been ah iyo dacaayad ka dhan saraakiisha Somaliland.