Dowlad Goboeedka Jubbaland ayaa War cusub kasoo saartay Go’aamada Shirkii dhawaan Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ka yeesheen xaaladda Cakiran ee Soomaaliya iyo dadaalada ay wado Beesha Caalamka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii kasoo baxay Shirkii Midowga Afrika oo ay ku Cambaareeyeen muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
Jubbaland ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in heshiiskii 17 Sebtember uu yahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho heshiis lagu wada yahay oo si nabad iyo xor ah uga dhacda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Jubbaland ayaa soo dhaweeysay dadaalada ay wado Beesha Caalamka, isla markaana ay ku dooneyso in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis rasmi ah uga gaaraan khilaafka ka tagan doorashada dhaceysa.
“Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.
Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Farmaajo, waxaana Go’aankaas siweyn uga soo horjeesatay dowladda Federaalka, kuna tilmaamtay go’aankaas mid sharci darro ah.