Friday, April 26, 2024

Guddoomiyaha  Maxkamada sare oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

READ ALSO

Mudane Baashe yuusuf Axmed oo todobaadkii hore xilkaasi loo magacaabay ayaa xilka kala wareegay mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan oo xilkaasi horey u hayay.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu diiradda saarayo horumarinta adeegga garsoorka iyo sare u qaadista aqoonta dadka ka shaqaynaya.

Wuxuuna Guddoomiyihii xilkan kaga horeeyay ku ammaanay howsha hagar la’aanta ah ee adeega garsoorka ka soo qabtay,islamarkaana meel wanaagsan uu soo gaarsiiyay.

Dr. Axmed Cali daahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee maxkamadda sare shaqadii uu garsoorka dalka ka qabtay.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda FS mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa munaasabadda xil wareejinta ka sheegay in uu isbadalkan ka filayo horumar cadaaladeed iyo in nidaamka garsoorka dalka shaqo badan laga qabto, si bulshadeenu u hesho adeeg garsoor oo sax ah.

Related Posts

Next Post

POPULAR NEWS

EDITOR'S PICK

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.