C/raxmaan C/Shakuur oo fariin Deg-deg ah u diray Madaxda dowladda

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xaalada Ardayda Soomaaliyeed ee kunool Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah halkii uu ka dilaacay Cudurka halista ee loo yaqaano Coronavirus.

C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa uu sheegay in Arday Soomaaliyeed ee kunool Gobolka Wuhan aysan jirin ilaa iyo hada wax gurmad ah oo ay ka heleen dowladda Soomaaliiya gaar ahaan Safaaradda.

Qoraal uu soo saaray Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu ku sheegay in Arday ku sugan Shiinaha uu  la hadlay ay u sheegeen in Gobolka uu karantiil ku jiro oo si dhakhsi ah looga bixi Karin ilaa iyo inta ay Safaarada Somalia ka saarto mooye.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu C/raxmaan C/Shakuur ugu baaqay ay inay si deg deg ah ugu gurmadaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha ee uu ka dilaacay Cudurka Coronavirus oo dad badan ay ku dhinteen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur.

Waxay ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin Dowladda Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.

Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dowladda Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan.

Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan, laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dowlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo.

Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3895 ku dhaco. Dowladdu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media