Golaha Wasiiradda oo isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey

 

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxay maanta yeesheen kulankoodii joogtada ahaa, iyadoo uu shir- guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Shirkaasi waxaa aad looga hadlay qoddobadda kala ah Dib-furista Safaaradaha Somalia ee ay Xukuumaddii hore xirtay bishii Juulaay ee sannadkii hore.

Golaha Wasiiradda waxay  dood dheer kadib isku raaceen in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey , maadaama shacabka Soomaaliyeed ee ku nool baahi weyn ay u qabaan Adeegga Safaaradihii la xiray.

Ra’isul-wasaare-ku xigeenka Xukuumadda Federalka, Maxameed Cumar Carte ayaa sheegay inay Golaha Wasiiradda ka laabteen Go’aankii lagu xiray Safaaradaha, kadib, markii lagu sameeyey Dib-u-eegis badan.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradda waxay Warbixin ka dhegeysteen Guddigii Xaqiiqo-raadinta ee loo diray Xuduudka Somalia iyo Kenya.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo horkacayay wafdiga ayaa u sheegay  Golaah Wasiiradda inaysan soo arkin wax calaamado ah oo muujinaya ama tilmaamaya in isbadel lagu sameeyey xuduudda dalkeenu la wadaago Kenya, marka laga reebo god laga qoday meel u dhow caalamadda xuduudda oo xigta dhinaca Kenya.

Golaha Wasiirada waxay kaloo ka hadleen dhacdadii ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo cunto loogu qeybinayey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxayna cambaareeyeen falkaas, iyaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday eheladoodda halkaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad qab deg deg ah.

Dhanka kale, Golaha Wasiiradda waxay Warbixino ka dhegeysteen Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaggaa oo kormeer shaqo ku tagey Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa laga dhegeystay xaaladaha la xiriira fataahadda wabiga iyo roobab lixaad leh oo ka da’ay deegaanada qaar kuwaas oo dhibaatooyin geystay.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada  waxay Tacsi u direen dadkii rayidka ee lagu dilay iska-horimaadkii ka dhacay goob cunto lagu qeybinayey oo ku taalla Degmadda Dayniile, iyadoo la cambaareeyey Dhacdadaasi.

XF2 XF1

© Radio Dalsan