Golaha Guud ee QM ayaa hadalkaasi soo saaray, kadib, markii ay xalay cod u qaadeen Qaraar lagu cambaareynayo Tacadigaasi, iyadoo ay 120-cod oggolaadeen, 8 xubnood wey diideen, halka 45 kalena ka maqnaayeen Codeyntaasi.
Dowladda Australia, Togo iyo Jesiiradaha Marshal waxay la safteen Martaykanka iyo Yuhuudda oo iyagu ka so ohor jeeday in loo codeeyo Qaraarkaasi.
Goluhu waxay kaloo cambaareeyeen Gantaalladaasi laga soo tuuro magaalladad Qasa ee lala beegsado dhulka Yuhuudda, balse Qaraarku ma carabaabin Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS oo inta badan fuliya weeraradda lagu qaado Yuhuudda.
Dhinaca kale, Golaha Guud ee QM waxay ku baaqeen in Badbaadin Caalami ah la siiyo Rayidka Falastiiniyiinta ku nool dhulalka la-haysto.
.