Feer-yahanka Mike Tyson oo ka yaabiyey Carabta.

Feer-yahanka mar ahaa Horyaalka Caalamiga ee Mike Tyson ayaa sheegay inuu Wiilkiisa ugu yar ugu magac daray dal ka mid ah Waddamadda Carabta.

Sawirka isaga iyo wiilkiisa ayuu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, wuxuuna tilmaamay inuu Wiilkiisa ugu magac daray MarookoTyson.

Waxaana uu ku qoray: Qoraalka Kooban “Hashtag”:-

My son #MoroccoTyson #nextgeneration

Wiilkayga#Morocco Tyson#Jiilkakuxiga

Macaamiil badan oo ka soo jeeda dalalka Carabta ayaa Ra’yi iyo Faallo ka dhiibtay magaca uu Feeryahankii hore ee Mike Tyson u bixiyey Wiilkiisa ugu yar ee Morooko.

Feeryahankaasi oo haatan 50 jir waxa uu dhalay 8 carruur, oo ay ka mid yihiin Geno, Mikey, Rayna iyo Amiir.

mike tyson2

©Radio Dalsan