Falanqeyn: Werarkii Westgate oo labo sano ay kasoo wareegatay.

21 bishii September ee sanadkii 2013, ayaa rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabab, waxaa ay gudaha ugaleen dhismaha Ganacsi ee Westgate shopping mall in Nairobi,  waxaa uu socday werarka ilaa 24 bishii September, waxaana ku geeryooday 67 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen inkabadan 175 ruux, oo dhamaan ka mid ahaa dadkii xiligaasi ka akdhowaa dhismaha Ganacsi.

Dagaalamayaasha Xarakada Al Shabab ayaa sheegtay Masuuliyada weerarkaasi, iyagoona sabab uga dhigay soogalitaanka ciidamada dowlada Kenya Soomaaliya.

Ciidamada dowlada Kenya ayaa xiligaasi bilaabay, in ay xabsiyada dhigaan soomaali badan oo dalkaasi Kenya joogay, siiba dhalinyaradda oo ay uga shekiyaan in ay xiriir la lahaayeen weerakii dhismaha Ganacsi ee Westgate shopping mall in Nairobi.

Markii dambe dowlada Kenya waxaa ay sheegtay in Afar ruux oo dhalinyaro soomaali aha ay ka dambeyeen weerarkaasi.

Maanta oo ay ku beegantahay bisha September 21 waxaa dowlada Kenya, ay xuseysaa sanadk guuradii labaad ee kasoo wareegaty markii weerarkaasi uu dhacay,

Qaar badan oo kamid ah dadkii ka badbaaday werarkaasi iyo masuuliinta dowlda Kenya ayaa waxa qaadanya kulan dib loogu xusuusanayay wixii ka dhacay xaquunta wastage ee magaalada Nairobi, halkaasoo ah dhismaha ganacsi ee lagu soo hal qabsado marka laga hadlayo dagaalka Al Shabab iyo dowlda Kenya.

Werarkii Al Shabab ee Dhismaha Westgate bishii September ee sannadkii 2013-kii, ayaa waxaa ay Diplomaasiyiinta reergalbeedka ay sheegeen in uu wax badan lala meeldhigi karo weerarkaa ka dhacay dalka India, gaar ahaa Hotel ku yaala caasimadad dalkaasi.

Sanadkii 2008 bishii November ayaa koox hubeysan waxaa ay soo galaan magalada Mumbai ee dalka Hinidya, kooxda weerarka ku qaadey Mumbai oo u dhalatay dalka Pakistan, ayaa meelaha ay bartilmaameedka ka dhigteen waxaa ka mid ahaa Hotel Taj Mahal oo ahaa mid ay dalxiisayaashu si weyn u degaan, waxaana ay halkaas ka sameyeen qaraxyo waaweyn, waxa ku dhintey weerarkaas in ka badan 164 qof halka ya ku dhaaacmeen 308.

Bur bur kadib waxaa Kenya, ay sheegtay in ay dhismaha xaruuntaasi ay qandaraas ku siisay Shirkad lagu magacaabo IRG oo laga leeyahay Yuhuudda ayaa lagu siiyey Qandaraaska Ammaanka Dhismaha Guud ee Westgate.

Shaqaale ka tirsan Shirkadaasai ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay Ammaanka Westgate loo xil-saaray 25 Khubaro Ammaanka iyo ku-dhawaad 55 Ilaalo ka socda Shirkadda Ammaanka ee G45.

Qalab casri oo looga hortago qaraxyadda, lagunabaarayo gaadiidka, shandadaha iyo dadka ayaana loo sameeyey Dhismaha Westgate.

Waxaa kaloo loo sameeyey Taawer dheer oo aysan xabbaduhu Karin oo loogu talagalay in laga ilaaleeyo Dhismaha oo lagu rakibay Kamirooyinka Qarsoon ee CCTV.

Guddoomiyaha Nairobi, Evans Kidero ayaa sheegay in weerarkii September ee sannadkii 2013-kii ahaa mid ka mid ah Maalmaha Murugada ee Taariikhda dalka Kenya.

Xeeldheerayaasha iyo diplomaasiyiinta ayaa dhaliishii ugu xooganeed ee ay Kenya ujeediyeen waxaa ay aheed, markii ay ka gaabiyeen ama ay soo bandhigi waayeen dadkii ka dambeeyay werarkaasi, marka laga soot ago tuhuno ay qabteen oo kale, waxaana ilaa iyo hada aan la ogeen halkii ay ka baxeen ragii gudaha ugalay xaruunta.

Taliyihii hore ee Millateriga Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa dalbaday in Ciidanka Kenya ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] laga soo saaro Soomaaliya.

Jen. Karangi ayaa intaas ku daray in kasoo bixitaanka ciidamada Kenya ee dalka Somalia ay keeni karto in guulihii laga gaaray dagaallada Al-shabaab dhanka ka ah xaqiijin waayo.

Isagoo ka hadlayay Sabtidii shalay ahayd ayuu Karangi yiri. “Aragtideyda waxay ahayd in Ciidamada Kenya mar hore laga soo saaro Soomaaliya, laakiin su’aasha mar walba taagan waxay tahay yaanu kaga soo tagaynaa.”

Sidoo kale, Jen. Karangi ayaa kula taliyay taliska AMISOM ay tahay inay dalbato ciidamo dheeraad ah; kuwaasoo ka Hor-taga colaado-beeleedyada mararka badan kusoo laalaabatay Soomaaliya.

Taliyahan Hore oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray in Markii ay Kenya Ciidammadeeda u diraysay Somalia uu Mareykanku diiday inuu ciidamadiisa u diro, Waayo waxay og-yihiin wixii ay kala klumeen sannadihii 1992-kii iyo 1993-kii oo iyagoo Howlgallo Nabadeyn ah u joogay Somalia ay Kooxihii jiray la dagaalameen.

Kenya ayaa sidoo kale ku andacooday in ragaasi dhamaantooda la dilay, balse Al Shabaabkii qaaday weerarkaasi ayaa sheegay in ay fiyoobi kusoo laabteen ragii gudaha ugalay dhismaha westagate.

Isla sanadkii 2013, dowlada Kenya ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka bilaabeeyso olole ay ugu magic dartay ciribtirka Al Shabab, balse nasiib daro waxaa ay si qaldan ay ku beegsadeen soomaali ku jiray xerayaha Qaxootiga ee dalkaasi kuwaasoo ay ku qasbeen in ay dalka Kenya ay ka cararaan islamarkaan ay la xiriiriyaan Al Shabab, iyagoona u arkay xerayaha Qaxootiga dalkaasi kuwo laga soo abaabulo weerarada ka dhaca dalkaasi.

Wax walbooy ahaat, Xoghayaha arimaha gudaha dowladda Kenya Joseph Nkaissery, ayaa waxaa uu sheegay in todobaadkaan ay bilaabi doonaan dhismaha derbi kala qeybiya xuduuda wadamada Kenya iyo Soomaaliya, si loogu baaqsado ayuu yiri weerarada Al Shabab ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Mr Nkaissery, ayaa waxaa uu hadalkiisa uu sii raaciyay in derbiga uu todobaadkaan dhismihiisa uu ka bilaaban doono, Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, ilaa degaanka Wajeer, taas oo loogu gonleeyahay in lagu dhimo dadka kasoo gudba dhinaca soomaaliya.

Xildhibaanka laga soo doorto Magaalada Mandhera Billow Kerrow, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dhismaha derbiga.

Gudoomiyaha Gobolka Lamu, ee dalka Kenya Issa Timamy, ayaa sheegay in derbigaas uu dowladda ka caawin doono ka hortagida dadka sida sharci darada ugu gudba Kenya.

“waxaa aaminsanahay in qorshahaan dhismaha derbiga uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u hirgalayo, waxaana rajeynayaan in barnaamijkaan uu dhaman doono dhamaadka Sanadkan” ayuu u sheegay Mr Timamy warbaahinta Gobolka Lamu.

Dowlada Kenya ayaa weerarada Al Shaabab, waxaa ay ubiloowdeen kadib markii ay ciidamadeeda ay gudaha usoo galeen soomaaliya.

W/Q Hassan Ali Osman Istiila

Email: Hassanistiila200@gamial.com