Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isbuucan muujiyey Debecsanaan Siyaasadeed, kadib, markii uu la kulmay Cadaadis kaga yimid Diplomaasiyiinta Caalamka iyo Dowladda Federalka, si uu u aqbalo in Nidaamka Doorashadda lagu saleeyo Awood-qeybiga 4.5 ee Somalia marjaca siyaasadeed u noqday 7-dii sanno ee ugu dambeysay.
Madaxweyne Gaas waxa uu Galaangal-siyaasadeed u galay inuu ku dheganaado Aragtida uu ku mucaaradsanaa 4.5, wuxuuna Maamulkiisa iyo Dadka Reer Puntland dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedeen Nidaamka 4.5 in lagu saleeyo Awood-qeybsiga Qaranka.
Tan iyo markii uu Madaxweyne Gaas bilowgii isbuucan saxiixay inay Puntland oggolaatay Nidaamka 4.5 waxa uu culayska saaray dadaal uu taageero ugu raadinayo Heshiiskaasi oo ay mucaaradeen xubno ka tirsan Barlamaanka Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Farroole.
Calawsanaan, Guux baaahsan iyo Eedeynta loo jeedinayo Madaxweyne Gaas ayaana cirif-ka-cirif dhulka Maamulka Puntland laga dareemay, taasi oo lagu dhaliilsan yahay Tallaabadda Madaxweyne Gaas ku saxiixay Heshiiska 4.5.
Haddaba, Madaxweynaha waxa uu xalay si toos ah u soo fariistay Xarunta Dhexe ee Telefishinka Maamulka Puntland, si uu Dadweynaha ugu sharxo sababaha ku kallifay inay isaga iyo Maamulkiisa qaataan Ku-dhaqanka Nidaamka 4.5
Madaxweynaha oo si toos ah uga hadlay Puntland TV, waxa uu difaacay Tallaabadda uu ku saxiixay Heshiiskaasi, wuxuuna dadka Reer Puntland la wadaagay xogta hoose ee ku dhalisay saxiixa Heshiiskaasi.
Waxa uu cuskaday saddex qoddob oo uu sheegay inay kala-xulashadeeda ku soo ururtay Talada.
Waxaana uu qoddobadaasi ku kala sheegay:
- In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland. Wax maslaxad Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana maaha, kala go’ cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo jiritaankii Soomaaaliya.
- In 4-ta sano ee soo socota aan ka harno geeddi socodka doorashooyinka , masiirka Puntland-na ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn . Sidoo kale arrintani waxay abuuri kartay jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyoSoomaaaliya dhexdeeda. Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirna waqti xasaasi ah wuxuu keeni karay in ay wiiqanto midnimada Puntland
- Iyo in aan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo doorkii ay ku lahayd hogaaaminta Soomaaliya.
Waxa uu sheegay inay isaga iyo Guddigii Puntland ee loo xil-saaray arrimahaasi isla qaateen in laga shaqeeyo Maslaxadda Guud ee Somalia iyo midda Puntland, laana qaato Heshiis u qalma Puntland oo isku-dheelitir Siyaasadeed iyo door Hoggaamineed leh, waa sida uu hadalka u dhigay.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jirtay Aragti ku aadanaa in Puntland iskeeda isku taagto, kana go’do Dowladda Federalka, laakiinse, waxay Madaxda Puntland u arkeen mid khatar dhalin karta, oo aysan Aqoonsi Caalami ah heli doonin, sida Maamulka Somaliland oo 25-sanno ka hor sheegtay inay Somalia ka go’een, balse aan weli helin Ictiraaf Caalami ah.
Sidoo kale, Heshiiska ay Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland kala saxiixdeen ayaa u muuqda mid hal dhinac u badan, isla markaana caqabad ka dhalan karo Taabagelintiisa, haddii aan Farsamo Siyaasadeed oo kale loo helin.
Madaxda Maamul-gobaleedyadda kale ayaa u arka Heshiiska Garowe mid aan lagu muujinin Samaiga Maamul-gobaleedyadda, isla markaana Heshiisku yahay mid labo geesood keliya u ah labada dhinac ee saxiixday.
Sidoo kale, Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka, ayaa ku madalsan Shir bishan April 10-da ka dhici doona magaalladda Garowe, kaasi oo looga hadlayo Arrimaha Doorashadda, waana suurtogal in ay Madaxda Mamaul-gobaleedyadda ka hadlaan Nuxurka Heshiiska Garowe oo aysan wax ka saxiixin, kana qeyb gelin.
Marka doc kasta laga eego, Xarig-jiidka Siyaasadda ee Dowladad Federalka iyo Puntland kuma dhamaanin halkaasi, waxaana la filan karaa Wareeg kale oo Dood Siyaasadeed iyo mid Awoodeeda, iyadoo hardankaasi laga filan karo caqabado adag.
©Radio Dalsan