Faallo: Jiritaanka Dimuqraadiyada Soomaaliya

Sanadkii 2007 ayaa Golaha Guud ee Qaramadda Midoobe waxaa ay u asteeyeen 15 bisha September in ay tahay “ Maalinta Dimuqraadiyada Caalamka ee International Day of Democracy.

Maanta waxaa laga joogaa xiligaasi siddeed sano, waxaa caalamka laga xusayaa maalinta loo asteeyay dimuqraadiyada, hada wadamadda Africa magac ahaan ayaa waxaa ay uqaateen Dimuqraadiyada inkaasoo ay ku yartay fulinta Dimuqraadiyadda gaar ahaa wadamada Geeska Africa.

Sida laga soo xigtay scientist Larry Diamond, oo dhinaca kalena ah Siyaasi, waxaa uu ku qeexay Dimuqraadiyadda in ay fure u tahay Afar qodob oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo Muhiin ah:

  • Nidaam siyaasadeed oo loo marayo xulashada iyo bedelida xukuumadda, iyada oo doorashooyin xor ah oo cadaalad ah la helayo

 

  • Ka qaybqaadasho firfircoon oo ka timaadda Muwaadiinta dalkaasi Dimuqraadida ku dhaqmaya, iyo helidda, siyaasadda iyo nolosha madaniga ah.

 

  • Ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee dhammaan muwaadiniinta Dalkaasi ku nool.

 

  • Xeer sharci, taas oo shuruucda iyo nidaamyada umuujinaya muwaadiniinta sinaan

Markaan soomaaliya aan eego inkasoo ay xeeldheerayaasha ay aaminsanyiihiin in dimuqraadiyada soomaaliya ay jiritaankeedu ku xiranyahay muujinta dowlada dhexe ee soomaaliya, ayaa haddana waxaa jira hormaro ay dowladda soomaaliya ay ka sameyneeyso dhinaca dimuqraadiyadda taasoo ay kamid yihiin, diyaarinta doorashooyinka dalka oo aad ka dareemi karto haddalka Madaxda dowlada oee uhamuunqabida doorasho.

Sidoo kale waxaa dowlada lagu amaanaa hormaraya ay kasameyneso dhinaca dhismaha Maamul-goboleedyadda inkastoo ay dhaleelo ay umuujiyeen mucaaradka.

Sidoo kale waxaa jira, marka laga hadlaayo dimuqraadiyadda soomaaliya kadib bur-burkii dalka soomaaliya sidii uu xilka Madaxtinimo uu sida nabadeed uu u wareejiyay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasoo ay amaaneen dhamaan wadamada daneeya arimaha soomaaliya.

Dhanka kale ka hor bur-burka waxaa kaloo dimuraadiyadda soomaaliya lagu hadal qabsan karaa, Madaxweynihii hore ee soomaaliya Aada Cabdule Cismaan Aadan Caddde, iyadoo soomalida ay ka war heyso sida uu udhiibat xilka madaxtinimadda.

Sidoo kale Maamuladda ka jira soomaaliya ee ayaa waxaa iyaguna si weyn qaarkood loogu amaanaa qaabkooda muujinta dimuqraadiyadda sida Dowladda Somaliland, oo marka laga hadlayo nidaamka iyadu hormar weyn ka sameyneesa.

Bal iminka eeg dalalka Africa qaar kamid ah,sida Burundi, ee dhibaatooyinka kasocda oo sababay xil isku dhejinta, South Sudan, Africada Dhexeiyo kuwo kale oo ka tirsan wadamada hormaray ee Caalamka.

Balse waxaa si wanaagsan umujin lahaa haddii ay dowlada Hassan Sheikh Madaxuud, ay dalka gaarsiin laheed in ay ka dhacdo doorasho “Qod iyo Codkii ah”. Inkasoo ay balanqaadeen 10 September ee Sanadkii 2012 hadda dhawaan ayeey ka laabteen go’aankaasi oo ay sabab uga dhigeen culesyo heysta dowladda.

Waxaa kaloo hadda laga arki karaa dimuqraadiyadda soomaaliya iyadoo ay jiraan xildhibaabo si bareer ah udhaliilaya Madaxweynaha soomaaliya iyagoo u cuskanaya qodobo kamid ah Dastuurka soomaliya.

Waa hubaal in Madaxweynuhu yeelan karo Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Hoggaamintiisa, waana Nidaam Dimuqraadi in la dhaliilo, isla markaana farta lagu godo Hoggaamintiisa, waxaana la gudboon inuu Khibrad ka kororsado Dhaliilaha loo soo jeedinayo, si uu isku turxaan bixiyo dhaliilaha siyaasadeed ee loo soo jeediyo.

Labada Gole ee Dowladda Federalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay si mideysan u shaaciyeen inaan la qaban Karin Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu madalsanaa in la qabto bisha August ee sannadka soo soda.

Doorashadda noocaasi ayaana noqon lahayd mid Taariikhi ah, maadaama aysan Somalia doorasho noocaasi ah ka dhicin tan iyo curashaddii Kacaankii  Octobar sannadkii 1969-kii.

Daruufo Siyaasadeed, mid Nabadgelyo-xumo iyo Diyaargarow la’aan ayaana udub-dhexaad looga dhigay qabsoomid la’aanta Doorashadda Dimuqraadiyadda ee uu Muwaadin kasta codkiisa ku dhiiban lahaa, taasi oo ah Doorashadda ku dhisan Hal qof iyo Hal Cod “One Man and One Vote”.

Qoddobadda loo cuskaday dib-u-dhacaasi ayaan lahayn Garowshiyo Siyaasadeed, maadaama Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh haysatay fursado lagumaarayn karo Inkaaniyaadka lama huraanka u ah Doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo talada dalka loo doortay bishii September 12-dii ee sannadkii 2012-kii ayaa waxa Dowladiisa ka hor-yimid caqabado dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha,  Amniga iyo Ballaarinta Nidaamka Dowladda, waxayna taasi dhabar-jab ku noqotay Taabagelinta Hiigsiga Nabadda iyo Qabsoomidda Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka.

Tis-qaad la’aanta Tubta Doorashadda Qaranka ayaa waxay iminka noqotay hadal-haynta ugu muhiimsan ee Madal kasta oo ay Bulshadda isugu yimaadaan, waxaana la wada qirsan yahay inay Dowladda Federalka ku hungowday Hamigii Ummadda ee Qabsoomidda Doorashadda Qaranka.

Sidoo kale waxaa dalka soomaaliya ka jira Xisbiyo Siyaasadeed kuwaasoo u hamuqaba hogaanka sare ee dalka soomaliya.

Iyadoo aragtidda Siyaasigaasi Seynistaha la raacayo soomaliyana aadna ku dabaqeyo makuu muuqataa jiraaanka Dimuqraadiyada soomaaliya ?

Hassan Ali Osman Istiila

Gmail: Hassanistiila200@gmail.com