Faahfaahin:Khasnajigii Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka oo la dilay

Khasnajiga Gaarka ee Xafiiska  Ra’isul-wasare Omar Abdirashiid Ali Sharma’arke ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Macmacaanka ee Degmadda Dharkenley ee magaalladda Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay Marxuumka toogteen, ka hor intaysan ka baxsanin goobta.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan in la dilay Marxuumkaasi.

Maydka Marxuumka ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.

 © Warqabadka Radio Dalsan