Faahfaahin dheeri ah oo laga helay Dagaalkii Gedo

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay dagaal xoogan oo shalay Gobolka Gedo ku dhxemaray Dagaalamayaasha Al Shabab iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa bilawday kadib markii Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab ay weeraren Kolonyo mareysay meel ku dhaw Tuulada Tulo-Barwaqo ee Koonfur Galbeed Gobolka Gedo oo aan ka fogeyn xadka Kenya iyoItoobiya.

Saraakiil ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan Dhinacooda ay ka dhinten 11 ruux halka Al Shababna ay ka dileen 32 qof.

Waxa ay sido kale xaqiijiyen dhaawaca 16 askari oo dowladda ka tirsan balse Al Shaba boo sheegtay masuuliyada Weerarka waxa ay shaacisay ineydileen 19 ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya AMISOM ayaa bilaabay bishii hore Howlgalo lagubartilmamedsanayo Goobaha ay weli ku xoogan yihiin Al Shabab.