Faah faahin:-Qarax ka dhacay duleedka Degmada Balcad

Barqanimadii Maanta ayaa waxa qarax Miino ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM waxaa lgula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadaan ayaa xiliga qaraxa lala eeganayay waxa ay marayeen inta u dhaxeysa Tuulada Isgoys iyo haansheekh,xili ay ka tageen Magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeday Magaalada Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu dhacay markii ay inta badan gudbeen Gawaarida Ciidamada AMISOM,waxayna sheegeen in uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Mudo daqiiqado ah ayay ciidamada AMISOM ku sugnaayeen Goobta uu qaraxa ka dhacay iyaga oo xayiray isku socodka Gaadiidka,waxayna ugu dambeyn siiwateen socdaalkoodii.

Wadada xiriira Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr mar ay Al-Shabaab ka geysteen weeraro jidgal ah,waxaana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay dejiso Ciidamo amniga xaqiijiya.