Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo ku soo dhacay duhurnimadii Maanta meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Dad Goobjoogyaal ah ayaa waxa ay sheegeen in hoobiyayaash ay ku dhaceyn agagaarka Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) iyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ilaa iyo hadda aysan jirin wax khasaaro ah oo ay geysteen hoobiyayaashaas,oo qaarkood aanan qarxin.
Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Intenet-ka wax ay ku sheegteen masuuliyada weerarkaas,iyaga oo sheegay in weerarkaas madaafiicda ah ay khasaaro ka dhasheen.
Weli Madaxtooyada Soomaaliya dhankooda kama hadlin Madaafiicda ku soo dhacday agagaarka Xarunta dalka laga maamulo ee Villa Soomaaliya,welina lama oga halka laga soo tuuray.