Dowladda Federalka oo loogu baaqay inay baaritaano ku sameeyaan dilkii Marxum C/llaahi Ali Hussien “Caano-geel”

Qoraal ay Hay’addaha Warbaahinta ee NUSOJ iyo SIMHA u direen Dowladda Federalka iyo Beesha Calaamka, ayaa waxa Dowladda looga codsaday baaritaanka falkii lagu dilay Macallin la oran jirey C/llaahi Ali Hussien “Caano-geel”, kaasi oo dhowr isbuuc ka hor lagu dilay Degmadda Wadajir ee magaalladda Muqdisho.

Marxuumka oo Barre ahaa, ayaa waxaa jira dad ku sheegayo inuu ahaa Saxafi, inkastoo uusan Marxuumka marnaba noqonin Saxafi inta uu noolaa.

NUSOJ iyo SIMHA waxay sheegeen inay la heli karo Filim Dukumentari ee caddaynayo Been-abuurka iyo Eedeymaha Qas-wadayaasha ku sameeyaan magaalladda Muqdishu bishan October 17-dii ee sannadka 2015-ka.

NUSOJ iyo SIMHA waxay ugu baaqeen Ururradda Caalamiga inay taageero u muujiyaan Warbaahinta Somalia dadaalkooda ku aadan sidii loo badbaadin lahaa Khibradlayaasha Saxaafadda ee dhibaatooyinka lagu waxyeeleeyo.

Waxaa Hay’addaha Calaamka loogu baaqay inay ogaadaan Qas-wadayaasha khatarta dhabta ku ah Warbaahinta Somalia.