Dowladda Britain oo shaacisay Malaayiin Dollar oo ay ugu deeqeen Ciiddanka Qaranka Somalia (SNA).

Xoghayaha Ciiddanka Hubeysan ee dalka Britain (UK Minister for Armed Forces) , Penny Mordaunt ayaa sheegtay inay Dowladda Britishka ay Ciiddanka Somalia ugu deeqday in ka badan 4.3 million oo Dollar.

Qoraal ay ku shaacisay barta ay ku leedahay Twitterka ayey ku sheegtay in Kharajkaasi yahay Maalgashiga dhinacyadda Loojistikadda iyo Qalabka Daawadda ee Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Army), si looga taageero Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

Kaalmadaasi ayey Penny Mordaunt ku dhawaaqday kadib, markii ay maalintii Axadda booqasho rasmi ah ku timid magaalladda Muqdisho, waxayna  Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid Ali Sharma’arke iyo Wasiirka Gaashaandhiga, Jeneral Abdulkadir  Ali Diini kula kulantay Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Sharma’arke ayaa uga mahad celiyey Dowladda Britain Taageeradda hagar la’aanta ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Somalia sidii dib loogu dhisi lahaa Ciiddanka Qaranka iyo inay ku guuleystaan Hawlgalkooda La-dagaalanka Alshabaab.

PM3 PM4 PM2©Radio Dalsan