Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Maamulka Jubbalnd waxaa haatan ka socota doorashada Kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo uu baneeyay Wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Guryenta Soomaliya Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo 3-dii Bishii May Sanadkii tegay ee 2017 lagu dilay Muqdisho.
Kursigaan ayaa ka mid ah kuraasta ka banana weli Golaha Shacabka waxaana Maanta ku tartamaya Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo la dhashay Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh iyo Gabar lagu Magacaabo Fardowso Xassan Maxamuud.
Gudiga doorashooyinka madaxa banana oo ay hormuud u tahay Gudoomiyaha Gudigaas Xalimo Ismaaciil( Xaliimo Yareey) , Musharixiinta iyo Ergada wax dooraneysa ayaa dhammaantood ku sugan howlka ay doorashada ka dhaceyso ee Magaalada Kismaayo.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com